18th Agusto 2023 xiligan oo kale [7:00pm fiidnimo] waxaa si sharci daro lagu weeraray guriga Sareeye Guuto Sheegow Axmed Cali.
Weerarka oo socday 15 saacadood waxaa lagu soo afduubtay Sareeye Guuto Sheegow Axmed Cali iyo koox dhalinyaro ah oo ka shaqeynayay xuquuq raadinta Beelaha Jareerweyne.
Afduubkii S/G Sheegow kadib bulshada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogto aad ayaay ugu xumaatay sida loola dhaqamay jananaka ilaa hadana waxa uu ku jiraa Xabsi sharci daro ah wadada loo maray.
Dadka ka soo jeedo Beelaha Jareerweyne waxaa laga rabaa qodobada soo socdo;
1. In lahelo hogaan guud oo ay udhanbyihiin 26 Beelood oo ay ka koobanyihiin Beelaha Jareerweyne.
2. In aan maranaba lajoojinin dibadbaxyada nadaneed ee lagu raadinayo xuquuqda beelaha Jareerweyne iyo cadaalad u helid Janaraalka.
3. Bulshada kocdoonka wado in ay hogaamiyaan Xildhibaanada matalo tasuulaha ugu fudud waxaa laga rabaa inay noqdaan sidii Abshir Bukhaari, Mahad Salaad ay u garab istageen Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
4. Dhamaan 9 Gobal oo ay dagaan Beelaha Jareerweyne waa in banaabaxda laga wado ilaa xuriyadiisa uu ka helayo jaraaalka.
5. Odayaashs Dhaqanka waa in doorkooda qaataan.
Dowlada waxaa laga rabaa;
1. Madaxada dalka ka garowdo weeraraka dulmiga ahaa ee lagu qaaday guriga janaraalka.
2. In dhamaan Saraakiisha ka soo jeedo beelaha Jareerweyne ay dib uhelaan darajooyinka Ciidamada ee Dowlada laashay 2012-2023.
3. In dowalda ay noqoto mid loo simanyahay.
4. In Maxakamad la soo taago talihihii hogaamjnayaya weerarka iyo qofkii amarka bixiyaya.
5. Ciidankii soo qabatay oo jananka kula dhaqamay sida anshax xumada iyo xeerka anshaxa ciidanka lagu qaado.
0 Comments